Qarax aad u xoogan oo ismiidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya.
Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya inu ka dhacay suuqa beerta ee degmada Waaberi, gaar ahaan qeybta khudaarka halkaasoo dad badan ay ku dhinteen.
Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi oo ah suuq yare aad u mashquul badan ayaa qaraxan uu keenay inay ku dhintaan dadweynihii goobta ku sugnaa, waxaana weriyeyaasha goobta tegay ay soo sheegeen in meydad badan ay wadadda daadsan yihiin, iyadoo la bilaabay in halkaasi laga qaado.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in la qabtay qofkii ka dambeeyay Gaariga qarxay oo baaritaan lagu wado, wuxuuna qaraxan kusoo beegmay xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sugnaa xarun u dhow goobta qaraxu ka dhacay, isagoo markaasi wax yar ka hor ay mareen kolonyada uu la socday madaxweynaha.
Madaxweynaha oo ka qeyb galayay furitaanka xarun cusub oo jaamacadda Muqdisho yeelatay ayaa sheegay in ninkii qarax ka danbeeyay ay qabteen ciidamada ammaanka.
Qaraxa ayaa ahaa mid xoog leh oo looga maqlay magaalada Muqdisho. Waxaa rasaas goosgoos ah riday ciidamada ammaanka oo ku sugnaa goob u dhow meesha qaraxa ak dahcay oo ilaaliya jidka laga galo garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Dadka dhintay ayaa gaaraya 10 qof oo u badan shacabkii suuqa ku sugnaa iyadoo dhaawacuna ka badan yahay 15 kale.
Wadani.com