Warar goordhow naga soo gaaray Magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in uu qarax goor dhow ka dhacay degmada hodan gaar ahaan xaafadda Beerta Jaadka oo u dhow Daarta Sey biyaano.
Wwararka ay sheegaya in qaraxa uu ahaa qarax gaari waxyaaba qarxa lagu soo xiray waxaana xusid mudan gaariga qaraxa lagu soo xiray in uu yahay gaari uu watay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda.
Guud ahaan goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa isku gidaamay ciidamo ka socda amniga oo daminaya baabuurkii qaraxa lagu soo xiray oo gebi ahaan uu burburay.