Wararka hadda oo dhacay ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay qaar ka mida degmooyinka Gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay agagaarka Isgoyska Black oo ka mida isgoysyada ugu mashquulka badan caasimadda, waxayna wararkii ugu danbeeyay ee qaraxa sheegayaan inuu ahaa qarax is-miidaamin ah oo uu geysatay Haweeney isku soo xirtay waxyaabaha qarxa.
Goobta qaraxa ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen ciidamo iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Amniga oo dharcad ah. Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana goobta xiray ciidamada Amniga iyadoo qasaare ka dhashay qaraxa, lana bilaabay gurmadka dadka ku waxyeeloobay.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…
