Qrax is-miidaamin ayaa goor dhoweyd ka dhacay degmada Jalalqsi ee Gobolka Hiiraan, sida ay sheegayaan wararkii ugu danbeeyay ee halkasi laga gelayo.
Qaraxa ayaa waxaa fuliyey Nin la sheegay inuu xirnaa waxyaabaha Qarxa, kaasoo galay Baar ama Makhaayad ku taala magaalada Jalalaqsi, kadibna uu isku dhex qarxiyay dadkii ku sugnaa goobtaasi ganacsi.
Qaraxa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen 10 qof, isla markaana 9 kale ay ku dhaawacmeen sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Dheere, oo isguna dhaawac kasoo gaaray qaraxa.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhaawiciisu fudud yahay, balse lix ilaaladiisa kamid ah ay ku dhinteen qaraxa, isagoo intaa ku daray in bartilmaameedku uu ahaa isaga, lana doonayay in la khaarajiyo.
Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa ka dhacay degmada Jalalaqsi, waana qarxii ugu weynaa ee muddooyinkanka dhaca degmada oo dhowr jeer hore qaraxayo waaweyn ay ula beegsadeen Alshabaab.