War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho, siiba meel u dhow Premier Bank iyo Wadadda Taleex.
Qaraxa ayaa dhaliyey qiiq iyo uuro cirka isku shareertay, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu ka dhashay Gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa oo goobta marayey, iyadoo uu mar kaliya qarxay.
Ciidamada amniga ayaa xiray goobta oo ah meel mashquul badan, waxaana laga cabsi qabaa inuu dhaliyey qasaare kala duwan, iyadoo Gaari caasi ah oo ku dhowaa gaariga qarxay ay dadkii saarnaa wax ku noqdeen…
WARAR KALE HOOS KA AKHRISO..