Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya inuu goor dhow ka dhacay qarax lala beegsaday xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Qaraxa oo ka dhacay xaafadda Kulmis ee magaalada Jowhar ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle iyo nabadoon ka mida odayaasha magaalada Jowhar.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada ku dhaawacmay qaraxa oo ahaa miino la dhigay goob ay ku qaxweynayeen ay kala yihiin: Cumar Maxamed Cumar iyo Yuusuf C/qaadir Karaani. Sidoo kale waxaa ku dhintay qof shacab ah oo aha anabadoon magaciisa lagu sheegay Cowsey.
Xaaladda dhaacwa labada xildhibaan iyo nabadodoonka ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan, iyadoo ciidamada amniga ay xireen goobta qaraxa ka dhacay, iyagoo bilaabay baaritaan.
Isbitaalka SOS ee magaalada Jowhar ayaa lagula tacaalayaa xildhibaannada iyo dadka shacabka ah ee ku dhaawacmay qaraxa maanta.
