Qarax ayaa Duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Wadadda mashquulka badan ee Maka Al-mukarama.
Qaraxa oo ka dhacay isgoyska Shaqaalaha oo u dhow Xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee degmada Hodon ayaa la sheegay inuu ahaa Miino lagu xiray Gaari uu leeyihiin Ciidamada Booliska, taasoo qaraxday xili uu halkaasi marayey.
Qaraxa waxaa inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay laba qof, iyadoo Darawalkii Gaariga uu dhaawac ulus kasoo gaaray, waxana si degdega mas’uuliyadda qaraxa u sheegtay Alshabaab oo sheegtya inay ku beegsadya ciidmada dowladda.
