Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd qarax ka dhacay agagaarka xaruntii Madaxtooyada C/qaasim.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu haa miino wadadda la dhigay, waxaana lala beegsaday ciidamo Boolis ah, iyadoo la sheegay inuu qaraxa geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya inuu qaraxa waxyeelo u geystay ciidamo ka titsan Booliska oo la socday gaariga qaraxa lala beegsaday, ayna ku dhinteen laba askari, iyadoo laba kale ay ku dhaawacmeen.

