Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in laba qarax oo is xigay ka dhaceen magaalada Muqdisho.
Qaraxyadan ayaa ka dhacay Ex. Koontarool Balcad oo u dhow degaanka Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo lala beegsaday Kolonyo ciidamada AMISOM ka tirsan oo ku socdaaleysay Jidka Balcad, kaasoo si joogto ah ay u dhacaan qaraxyada Miinooyinka wadooyinka la geliyo.
Qaraxyada kadib ayaa la maqlay rasaas ay ridayaan ciidamadii la beegsaday, waxaana xirmay isu socodka gaadiidka iyo dadka halkaasi.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in rasaas ay fureen ciidamada AMISOM ay dhalisay dhimashada laba qof.