Qarax ka dhacay goor dhoweyd magaalada Muqdisho ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Qaraxa ayaa lala beegsaday askar ka tirsan Booliska oo ku sugan Isgoyska Ceelgaab ee Magaalada Muqdisho, waxaana wararka sheegayaan in qaraxan ay ku dhinteen 2 askari, ayna ku dhaawacmeen 7 kale..
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya Qaraxan oo la sheegay inuu ahaa miino goobta lagu aasay, warar kale ayaa sheegaya in Bam gacmeed uu ku soo tuuray baabuur halkaas maray.
Ciidamada qaraxa lala beegsaday ayaa ilaaliya xarunta madaxtooyada, iyadoo halkaas lagu baaro gaadiidka u socda madaxtooyada.
Wadani.com