Waxaa goor dhoweyd Qarax ka dhacay Saldhigga Booliska magaalada Beledweyne, kaasoo dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Wararkii ugu horeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya inuu ahaa qarax xoog leh oo ka dhacay Maqaayad ku dhex taalla Saldhiga Booliska ee Beledweyne, waxaana halkaasku sugnaa Saraakiil iyo mas’uuliyiin kala duwan.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu dhaawac kasoo gaaray qaraxa u dhintay Duqii degaanka Feerfeer Khaliif Garaad Rooble. Waxaa kalo ku dhintay gabar ka mid ahya ciicamada Booliska.
Qaraxa waxaa kaloo ku dhaawacmay Taliyhii Saldhiga Booliska Maxamed Qorsheel iyo dad kale oo ay ka mid tahay haweeneylahayd maqaaxida qaraxu ku dhacay.
