Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Shabeelaha Dhexe Khaliif Cabdi Cabdulle oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar ayaa ka warbixiyay howlgalo ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Jowhar oo lagu qabtay waxyaabaha qarxa oo la diyaarinayay iyo qof howshaasi gacanta kula jiray.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgaladaasi ay ku soo qabteen dad ku howlanaa oo ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo waxyaabaha qarxa oo ay ku qarinaayeen Xaafadaha magaalada Jowhar. Waxa uu tilmamay in ragaasi la barayo ka dibna sharciga la horkeynayo isla markaana ay muteysan doonaan wixii sharciga waafaqsan.
Magaalada Jowhar waxaa hakad ku jira shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxaana ku sugan Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Wadani.com