Wararka laga helayo Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in qarax lagu weeraray cidiamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka.
Qaraxa ayaa ka dhacay degaan 7 KM ujira Degmada Balcad, wuxuuna haleeley gaari ay la socdeen ciidamo milateri ah oo ka mid ahaa kolonyo galbineysay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.
Kolonyada ay la socdeen ciidamada la qarxiyay ayaa wararku sheegayaan inay ka mid ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka iyo saraakiil ciidan oo ka baxay degmada Balcad, kuna sii jeeday magaalada Jowhar.
Hal askari ayaa la xaqiijiyay inuu qaraxa u dhintay iyadoo dhaawacyo ay soo gaareen ciidamo kale, waxaana qaraxu ka dhashay miino dhulka la geliyay, iyadoo ciidamada la socda mas’uuliyiinta ay rasaas futreen kadib qaraxa.