Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Qarax lala beegsaday Kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Labo qof ayaa ku dhintay, saddex kale oo laba ka mida ay weriyeyaal yihiin ayaa ku dhaawacmay kadib qarax Miino oo qabsadat Gaari ka mid ahaa Kolonyada gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo xilligaas marayey agagaarka tuulada Qabno ee degmada Matabaan.
Saxafiyiinta Qaraxa ku dhaawacmay ayaa kala ah: Khaalid Muxumed Ilkacase iyo Cabdikarim Maxamed Siyaad ayaa oo ka howlgala telefishanka Maamulka Hirshabeelle, iyadoo midkooda dhaawaciisa lagu sheegay mid culus.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiishii maamulka Gobolka Hiiraan ee la socotay ayaa ka badbaaday Qaraxa lala beegsaday oo lagu eedeeyay inay Alshabaab ka danbeysay.
Gudoomiye Cali Jeyte iyo ciidanka dawladda ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka waday wadooyinka u dhaxeeya magaalooyinka Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxayna saaka ciidanka dawladdu galeen tuulada Qabno oo ay Shabaabku horey u fadhiyeen.
Dadka ku dhaawacmay Qaraxa ayaa la geeyay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo la filayo in loo duuliyo Magaalada Muqdisho si looga daweeyo.
