Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Miino lagu qarxin lahaa ciidamada dowladda la fashiliyay.
Miinad ayaa lagu aasay degaanka MK 13 ee duleedka Muqdisho, iyadoo la geliyay wadadda dhinaceeda, waxaana arrintaasi ciidamada ku wargeliyay dadka degaanka.
Saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa sheegaya inay Miino-baarayaal ah u direen goobtaasi, kuwaasoo ku guuleystay inay miinadaasi kala furaan oo halisteeda meesha ka saaraan.
Jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa xirnaa in muddo ah saaka intii uu socday howlgalka, waxaana dib loo furay markii howshaasi dhammaatay.
Duleedka Muqdisho ayaa ah meelaha qaraxyada ugu badan ay ka dhacaan, iyadoo lala eegto ciidamada iyo saraakiisha dowladda.
Wadani