Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya qarax miino uu ka dhacay degaanka Weydow ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka la geliyo ayaa geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana la xaqiijiyay inay ku dhinteen laba caruur ah oo ka mida barakacayaasha, waxaa kaloo dhaawacyo kasoo gaareen dad dhowr ah.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala damacsanaa shaqaale gargaar oo ka tirsanaa WFP goobtaasi maanta ka waday howlo gargaar.
Wadani.com