Muqdisho Qaraxa ka dib Maxaa dhaca..?!
Xamar qaraxyaa ka dhaca, wali ma loo fiirsadey xaaladda ka danbeeysa qaraxa, baabuurta gurmadka ayaa la maqlaa codadkooda dhaadheer, lakiin sida la doonayay ma u dhacdaa samata bixinta inta nool iyo asturka kuwii dhintey?.
Waxaa meesha ku yaaca baabuurta gargaarka deg dega, ciidan, afhayeen dawladeed, dadweyne iyo kaamerooyinka Telefishinadaba, oo dhaamaantoodna aad iyo aad u saluugaysid hawsha ay qabanayaan.
Qaraxii ka dhacay shaley wadada ka danbeeysa xarunta gobolka Banaadir Laba da’ yar oo ardey ah ayaa ku jirey dadkii dhintey, ma helin nidaamkii gurmadkooda ahaan lahaa.
Qaraxii ka horeeyey ee maqaayada Bayxaani duhurnimadii ka dhacay, qoys ayaa wiilkoodii caseeyaha ahaa ku waayay, lama kulmin nidaam lagula raadiyo meydkoodkii, qoyskii habeenimadii shan saac ama kow iyo kobankii ayay meydka wiilkooda ka soo dhex heleen qashinka dhex yaala isbitaalkii la geeyay oo ku doodey inaan meydkaa baaburtii gurmadka aysan soo marsiin.
Ma haboonaan lahayd in qaraxa ka dib hawsha la qabanaayo ay yeelato nidaam iyo ismaqal, taas oo ku imin karta in la og yahay dadka hawshaas qabanaayo iyo inay u tababaranyihiin.
Dawladana inaysan khudbad isku mid ah kaliya ka jeedin meeshii qarax ka dhacaba ee ay kooxahaa gurmadka tababar siiso si nidaamku u ahaado mid isku dubaridan.
W/Q: Ustad Faarax Nuur