Thursday, May 15, 2025

QARAXII HOTELKA SYL: MIYAA LA FASHILIYAY MISE WAA LA FASHILMAY?! (Faallo)

Qaraxii  ka dhacay Hotelka SYL ee ku dhow madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku sugnaayeen wafdi hordhac u ah madaxweynaha Turkiga oo lagu waday inuu Muqdisho soo booqdo Jimcaha 23-ka Janaayo 2015 wuxuu ahaa mid kale oo kamida falalka amni darro ee Alshabaab ka fulisay goob xasaasi ah iyo waqti adag oo indhaha dowladda oo idil soo jeedaan, xaalad amaan oo adagina la soo rogay, tani waxay keeneysaa  in su’aalo badan la iska weydiiyo sida wax u dhaceen.

Waxaa bogaadin mudan ciidamada har iyo habeen u taagan ammaanka ee qaarkood ku naf waayeen iyagoo waajibkaas gudanaya, waxaa kaloo xusid mudan dadaalka hay’adaha dowladda ee ammaanka ugu jiraan in lala tacaalo ka hortegidda falalka amaandarro, laakiin waxaa muhiim ah in iyagana lala xisaabtamo, lagana daba tago sidii loo abaalmarin lahaa kuwii fududeeyay ama ku lug lahaa inay falalkaasi dhacaan, sida qaraxii SYL.

QARAXA-HSYL

Waxaa la wada og yahay heerka uu gaarsiisnaa ammaanka Hotelka iyo agagaarkiisa iyadoo wadooyinka soo gala hotelka laga xiray dhammaan socodka loona diiday xita xildhibaannada iyo wasiirada ka tirsan dowladda, sidaasoo ay tahay ayay dhacday in baabuur qarax laga buuxiyay  uu albaabka hotelka gaaray….!!!!.

Waa su’aal mudan in la is weydiiyo sida wax u dhaceen…? waa xaq lagu leeyahay dowladda inay jawaab waafi ah u hesho sida qaraxaasi ku suuragalay. Qaraxyadu meel kasta ayay ka dhacaan, waana sax in dowlado waaweyn oo awood leh ay dhacdo in falal argagixiso laga geysto sida Yurub oo Faransiisku ugu danbeeyay iyo dalalka Pakistan, Nayjeeriya, Afghanistan, Ciraaq iyo dalal kale. Laakiin dalalkaasi wixii ka dhaca si fiican ayaa loo daba galaa oo lasoo afjaraa ilaa ilihii ka danbeeyay la soo helo.

Ma is weydiisay waxaan anagu uga duwanahay dalalkaasi?… Dabcan waan ka tabar yar nahay kana liidanaa dhinacyada sirdoonka iyo awoodda ciidamada…laakiin waxaa jira arrin kale oo muhiimad weyn leh oo aanu qormadan nuxurkeeduna diirada saari doono.

Muqdisho kama jiro “ka daba-tag” dhab ah oo lagu sameeyo wixii dhaca, marar badan waxaa dhaca inaan dan weyn laga gelin sidii loo baari lahaa marka shil dhaco ama fal argagixiso la fuliyo. Dib u xusuuso dhacdooyinka soo socda:

= Weerarkii Xarunta UNDP ee Muqdisho

= Weerarkii Maxkamadda Gobolka Banaadir

=Weerarkii Madaxtooyada

Falalkan waxay ahaayeen kuwii ugu waaweynee ee argagixiso oo dalka ka dhaca, sidaasoo ay tahay ma jirto ilaa iminka wax warbixin ah oo laga soo saaray baaritaankii la sameeyay, hadiiba uu jiro baaritaan dhab ahi, Guddiyo loo saaray baaritaanka falalkani oo heer wasiir qaarkood yihiin waxaa ugu danbeysa warkooda markii la magacaabo, kuwooda ugu wanaagsan waxay keenaan warbixin guud mar ah oo aan ka jawaabeynin ujeedadii laga lahaa guddiga.

Mid kamida weriyeyaashii ugu horeeyay ee tegay weerarkii madaxtooyada isna dul taagay meydadkii kuwii weerarka soo qaaday wuxuu sheegay in telefoonadii ay wateen raggii weerarka fuliyay oo qaarkood dhacayeen aan cidna isu xil saaran inay baaritaan ahaan loo qaado, qaarkoodna markii danbe askartii meesha joogtay oo qaatay laga soo celiyay… wixii warbixin laga helayna qarkood oo madaxtooyada la gaarsiiyayna ay xiriir la yeesheen saraakiil ciidan xilal sare hayay.

Inkastoo madaxweyne Xasan Qaraxii SYL si weyn uga dhiidhiyay ilaa heer uu gaaray inuu shir jaraa’id ku qabto goobta uu qaraxaasi ka dhacay oo aan ku habooneyn mas’uul heer madaxweyne ah, haddana wuxuu sida caadiga ahayd balan qaaday in baaritaan lagu sameyn doono qaraxaasi. Dad badan waxay aaminsan yihiin xilligaas ugu danbeyn doonto in wax  la iska weydiiyo falkii hotelka SYL sida hore u dhici jirtay.

Dabagalku wuxuu keeni lahaa haddii si daacad ah loo fuliyo arrimaha soo socda:

= In la ogaado meesha dhibaatadu ka jirto ee ka khaldan ciidamad ammaanka

= In la helo cidda fududeysay falkan inuu dhaco haddii ay tahay qorshe ama is-dhigasho

= In la helo warbixin ku saabsan sida falka loo soo maleegay, lana raadraaco dadka ku lugta leh

= In  laga digtoonaado wixii markaas ka danbeeya casharkii laga bartay falka la baaray ee laga daba tegay.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliyeed waxay dabeecad ka dhigtaan markii fal argagixiso la fuliyaba inay warbaabinta ka sheegaan war yaab leh kaasoo ah “WAA LA FASHILIYAY” ereygan oo ahaa midkii hore loogu karaahsaday wasiirkii Amaanka iska casilay C/kariin Xuseen Guuleed wuxuu noqday cinwaan dowladeed.

Sidee fashil loogu tilmaami karaa qarax lala beegsaday meeshii loogu talogalay?, Maxay fashil u yaqaanaan waa yaabe…? Xitaa haddii hotelka oo dhan dumi lahaa oo dadka ku jira oo dhami ay ku geeriyoon lahaayeen ma waxay oran lahaayeen waan fashilinay?.!!..

Waxaa iska cad  inay ereyada noocan oo kale ahi yihiin mas’uuliyad ka carar iyo marmarsiiyo. Maxaa yeelay kartida mas’uulku waxay ku jirtaa in marka hore uu qirto fashilka dhacay, kadibna sidii wax looga qaban lahaa u istaago, warbaahin la hadalka iyo siyaasadda is giijinta waa meesheeda.

Ugu danbeyn fal kasta oo amaandarro ah  oo dhaca waa in la siiyaa muhiimada uu leeyahay, halkii la yereysan lahaa, la dabooli lahaa, lagana been sheegi lahaa…; waana in laga daba tagaa wixii dhacay iyo sidiii ay u dhaceen iyadoo  tallaabo laga qaadayo ciddii mas’uuliyadeeda gabtay iyo kuwii gacanta ku lahaa… Fashilka dhacay haddii aad fashilin noogu bedeshaan waxay micnaheedu noqoneysaa inaadan diyaar u ahayn wax ka qabashada wixii dhacay hadda iyo mustaqalka.

Faalooyinka Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON