Weerar qarax bambo ah ayaa ka dhacay xarunta degmada Baardheere, iyadoo lala beegsaday Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo.
Weerarkan oo loo adeegsaday bambada gacanta laga tuuro ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu dilo Sheekh Maxamed Xuseen (Alqaadi) oo dhowaan la heshiiyay Maamulka Jubba, loona magacaabay guddoomiye ku xigeenka Gedo, waxaana la sheegay in ciidamadii halkaasi ku sugnaa ay kala shakiyeen.
Howlgallo lagu doonayo in lagu qabto askartii ka dambeysay qaraxa ayaa ka socda degmada Baardheere iyadoo ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugan ay soo farageliyeen, waxaana hadda la xiray saraakiil iyo ciidamo kala duwan.
Xaaladda magaalada ayaa kacsan iyadoo xiisada ka dhex taagan ciidamada ku wada sugan Baardheere oo kala ah; ciidamada dowladda Federaalka, qaar taabacsan Jubba iyo maleeshiyooyin kale oo ka taabacsan iyo garabyo kala duwan.
Wadani.com