Laba qaraxa ayaa ka dhacay magaalada Baydhaba ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo qasaare xoog leh ka dhashay qaraxyadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada daqiiqado yar kala danbeeyay midlood lala beegaday Hoteelka weyn ee Bilan, kasoo ay degan yihin Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin, iyadoo qaraxa labaad uu isna uu ka dhacay Maqaayadda lagu magacaabo Al-Badri oo ay fariistaan dadka Shacabka ah.
Qaraxyada oo nooca is-miidaaminta ayaa wararkii ugu horeeyay sheegayaan inay dhaliyeen qasaare xoog leh, markii lala beegsaday goobo ay dadka ku badan yihiin, waaana tirada dhimashada ay ka badan tahay 20 Qof, halka dhaawacan la sheegay inuu sare u dhaafay 30 kale.
Waxaa socda gurmadka dadka ku waxyeeloobay qaraxyada, iyadoo xaaladda ay kacsan tahay, waxaana la xiray dhaqdhaqaaqa magaalada.