Qaraxyo waaweyn ayaa ruxay caasimadda Muqdisho, kuwaas oo laga maqlay guud ahaan magaalada, kadib Duhurnimadii maanta.
Qaraxii koowaad ayaa ahaa mid culus, waxayna wararkii ugu horeeyay sheegeen inuu kadhacay agagaarka Soobe, halka qarax labaad oo isna aad culus lagana dareemay qeybo bada oo ka mida Muqdisho uu dhacay daqiiqado kadib.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Qaraxyada ay ka dhaceen xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee u dhow Isgoyska Soobe, hakaasi ooay gudaha u galeen Dabley hubeysan oo la filay inay Alshabaab ka tirssan yihiin.
Xaaladda ayaa kacsan, waxaana xitan wadadda qaraxyadu ka dhaceen, iyadoo Gaadiidka Gurmadka ay goobtaasi ku qulqulayaan…
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…
