Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Qareen Mareykan ah oo loo heysto inuu lacag ka badan 12 Milyan Dollar ka lunsanayey Dowladda Soomaaliya

    Qareen Mareykan ah oo loo heysto inuu lacag ka badan 12 Milyan Dollar ka lunsanayey Dowladda Soomaaliya

    December 4, 2020Updated:December 4, 20203 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Jeremy Schulman
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qareen Mareykan oo kasoo jeeda gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo oogay eedeymo la xiriira isku dayga inuu xadi rabay lacag malaayiin doolar ah oo ay leedahay dowladda Soomaaliya.

    Bayaan ay soo saartay Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ninkaas lagu soo oogay 11 dacwadood oo isugu jira wax isdaba marin iyo musuqmaasuq, isagoo damacsanaa inuu si sharci darro ah gacanta ugu dhigo maamulista lacag dhan 12.5 milyan oo doolar oo ah hantida Soomaaliya.

    Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa faafisay, ayna qoreen warbaahinta ugu waaweyn dalka Mareykanka, ayaa lagu sheegay in qareenka oo lagu magacaabo Jeremy Schulman, da’diisuna tahay 47, uu matalayay dowladda Soomaaliya, sidaasna uu lacagta ku dhici rabay.

    Dacwadda ka dhanka ah Mr Schulman ayaa lagu qeexay in muddadii u dhaxeysay 2009-kii ilaa 2014-kii uu dowladda Soomaaliya wakiil uga ahaa dadaalkii ay ku dooneysay inay ku soo ceshato hanti uga maqneyd meelo ka mid ah caalamka, isagoo howshaasna uga qaadanayay qeyb ka mid ah lacagtaas oo uu ku sheegay qiimaha shaqadiisa iyo kharashka ku baxayay howsha.

    Si uu khiyaanada u hirgaliyo, Schulman iyo dad kale oo uu kaashanayay ayaa sida lagu eedeynayo sameystay warqado been abuur ah oo ay ku muujinayeen in uu isagu dowladda Soomaaliya wakiil ka yahay, uuna oggolaansho u heysto soo celinta lacagtaas. Warqadahaas ayuu geeyay bangi ceymis ka heysta federaalka iyo hay’ado kale.

    Intaas waxaa sii dheer in uu Mr Schulman, sida lagu eedeynayo, ka been sheegay xogta rasmiga ah, uuna qariyay macluumaadkii uu kasoo ogaaday bangiyada iyo waliba warqadihii been abuurka ahaa ee tilmaamayay matalaaddiisa dowladda Soomaaliya.

    Khiyaanadaas waxay u suuragalisay Mr Schulman, qolyihii uu kaashanayay iyo shirkad dhinaca sharciga ka shaqeysa oo uu saami ku leeyahay inay ugu dambeyn gacanta ku dhigaan maamulka lacag lagu qiyaasay $12.5 milyan oo ahayd lacag Soomaaliya ka xayirneyd.

    Schulman wuxuu shirkaddiisa arrimaha sharciga u fududeeyay inay si sharci darro ah ku qaadato $3.3 milyan oo ka mid ah dhaqaalahaas ay Soomaaliya lahayd, halka intii soo hartayna uu ku wareejiyay dowladda Soomaaliya.

    Howshan Schulman wuxuu ku qaatay boqollaal kun oo doolar oo ay magdhow ahaan u siisay shirkadda uu saamiga ku leeyahay, taasoo uu ku muteystay dakhliga uu sida khiyaanada ah ugu soo xareeyay. Waxaa kale oo lagu eedeeyay inuu geystay dambiyo kale oo la xiriira musuqmaasuq iyo lacago si sharci darro ah la isu daba mariyay.

    Eedeymaha ninkan loo jeediyay ayeysan u badneyn in maxkamad loo soo taago ilaa la helo caddeymo la taaban karo oo kiiskaas la xiriira.

    Bayaanka ay Waaxda Caddaaladda Mareykanka soo saartay ayey ku codsatay in cid walba oo dhibbane u ah kiiskaas ay lasoo xiriirto, iyadoo sheegtay in arrintan ay baaritaanno ku sameysay FBI-da Mareykanka.

    Qareenno u dooday ninka loo heysto eedeymaha xatooyada lacagta Soomaaliya ayaa sheegay in uusan wax khalad ah geysanin Mr Schulman, muddo dheerna uu garab taagnaa dowladda Soomaaliya.

    Jeremy Schulman
    Jeremy Schulman Somalia US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCali Cosoble oo u jawaabay Goodax Barre. “Dowlad goboleedyada professors miyaa maamula? Naga xishoo oo isku xishoo..”
    Next Article XOG: Qoorqoor oo Qodobbo ay u dhiibeen Musharixiinta Madaxweyna-ha kula noqday Farmaajo (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo