Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Qarinta xaqiiqada Qasaaraha: Dagaalka Warbaahinta ee Dowladda Federaalka iyo Alshabaab

    Qarinta xaqiiqada Qasaaraha: Dagaalka Warbaahinta ee Dowladda Federaalka iyo Alshabaab

    November 27, 2022Updated:November 27, 20222 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa sii xoogeysanaya dagaalka Warbaahinta ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Alshabaab, kaasoo barbar socda dagaalka tooska ah ee ka socda Gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

    Dagaalkan ayaa xoogeystay tan iyo intii uu mar kale madaxweynaha Soomaaliya noqday Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka la wareegay 23 May 2022, waxaana uu markaasi ku dhawaaqay inuu dagaal wejiyo badan la gelayo Alshabaab, waxaase kasoo hormaray dagaalka tooska ah oo ciidamada degaanka ee Gobolka Hiiraan ay bilaabeen.

    Warbaahinta dowladda ayaa si weyn xoojisay dagaalka warbaahinta ee Alshabaab lagula jiro, waxaana lasoo saaray amarro lagula dagaalamayo warbaahinta Alshabaab iyo baraha bulshada ee ay adeegsadeen, inkastoo weli qaar badan ay shaqeeyaan.

    Dagaalka ugu darran ee Warbaahinta wuxuu hadda ka taagan yahay xaqiiqada qasaaraha dagaallada ka socda Gobollada dalka sida Galgaduud, Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxayna laba dhinac sheegtaan in dagaal kasta uu dhaliyay qasaare badan oo kan kale la gaarsiiyay.

    Dagaalkii ugu danbeeyay ee degaanka Qaayib, Gobolka Galgaduud waxay mar danbe dowladda Federaalka qiratay in lagu dilay 13 ka mida ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka, halka Alshabaab ay sheegatay inay ku dishay in ka badan 40 qof, iyadoo soo bandhigay 5 Gaari, Hub iyo saanad kale oo ay dagaalka ku qabsatay.

    Dhinaca kale dagaalkii Ceeldheere (Buraale) oo ka tirsan degmada Aadan Yabaal, waxayn dowladda Federaalka shaacisay in lagu dilay in ka badna 100 Alshabaab ka mida, waxayna saxafiyiinta dowladda soo bandhigeen tobanaan meydad Alshabaab iyo laba ama saddex gaari, iyo muuqaallo aan caddeyn oo hawadda lagu qaaday oo muujinay tobanaan maleesjiyo ah oo la duqeeyay.

    Alshabaab waxay qiratay in weerarka cirka ee degaanka Ceeldheere looga dilay ilaa 10 dagaalame, taasoo muujineysa in labada dhinac ay ku dagaalamayaan si aan loo ogaan qasaarahooda, ayna sheegaan qasaaraha dhinaca kale oo kaliya.

    Dadweynaha ayaa inta badan xaqiiqada qasaaraha dagaalka ka qaata Baraha bulshada oo labada dhinac ay ku baahiyaan qasaaraha dhinaca kale iyo ehelka ciidamada dowladda ee soo bandhiga askarta iyo saraakiisha ka dhimata, kadib markii warbaahinta caadiga ah ay ka gaabsatay arrintan ama aysan ku dhiiran karin inay xaqiiqada soo bandhigto.

    Alshabaab Dagaalka Alshabaab Top xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleBooliska Somaliland oo qabtay Nin Oromo ah oo Wiil dhalinyaro ah ku dilay Hargeysa
    Next Article Ajaaniib ay Alshabaab sii deysay oo lagu qabtay degmada Hobyo iyo Baaritaan lagu hayo

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo