Qarixii weynaa ee caawa ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay laba Baar oo caan ah.
Labada baar ahaa kala ah Pizza House restaurant iyo Posh Treats Restuarant oo ah laba Baar oo iska soo horjeeda, ayna tagaan dadka madaxda ah iyo qurba-joogta.
Qaraxa oo ahaa mid aad u weyn ayaa ugu yaraan dilay 10 qof, iyadoo dhaawacuna ka badan yahay 14 kale. Goobjoogayaal ayaa sheegay in meydad 9 qof ah oo ku arkay barxadda Pizza House.
Dadka goobta ku sugnaa oo markaas uun afurkii gabagabo u ahaa ayaa la sheegay inuu saameynta ugu weyn ku yeeshay qaraxa. Qasaaraha qaraxan ayaa la filayaa inay sare u kacdo.
Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inaysan jirin rasaas gudaha Baararka ka dhacay, oo weerarku ku koobnaa qaraxa. Ciidamada Ammaanka ayaa gudaha u galay labada Baar iyadoo xaqiijiyay inaysan wax dabley ah ku jirin.
Wadani