Dacwada qaraxii lala beegsaday diyaarii Daallo ee lagu maleegay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa lugaha la galay shirkadda Turkiga ee maamusha garoonka FAVORI, shirkadaasi oo madaxa u qaabilsan Amniga looga yeeray Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee gacanta ku heysta kiiska qaraxa diyaaradda Daallo.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta u yeertay Hakan Aydin oo ah Madaxa Amniga Shirkadda Favori oo gocanta, iyadoo su’aalo laga weydiinayaa Qaraxii Diyaaradda Daallo, iyadoo loo heysto dacwad ku saabsan inay shaqaaleysiiyeen dad aan wax aqoon ah u lahayn Qalabka wax lagu baaro ee Garoonka Aadan Cadde.
Hakan Aydin ayaa la sheegay in qareeno difaaca uu diyaarsaday markii dacwada lagu soo oogay, waxayna arrintan ka dhalatay baaritaanka dacwadda kadib markii la ogaaday in shaqaalaha qaabilsanaa qalabka baarista boorsooyinka iyo agabka kale ee dadku wataan ay noqdeen dad caadi ah oo ah wax aqoon ah iyo tababar midka u lahayn arrimaha baaritaanka iyo shaqada ay hayaan, iyadoo shirkadda FAVORI ay dadkaasi qoratay.
Tan iyo intii uu dhacay falkii qarxinta diyaaradda Daallo 2-dii Febraayo 2016 wuxuu kiiskan noqday mid xaaladiisu cakiran tahay iyadoo ay ku lug yeesheen saraakiil nabadsugid ah, shaqaale dowladeed iyo xubno xiriiriyeyaal ah.
Wadani.com