Dad ka badan 60 qof ayaa lagu dilay 120 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray weerar is-miidaamin ah oo ka dhacay dalka Maali.
Weerarkan oo lagu qaaday xarun milateri ayaa waxaa sheegatay koox xiriir la leh ururka al-qaacida, waxaana xerada oo ku taalla waqooyiga dalka Mali, halkaasoo ay ku dhinteen askar fara badan.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday Baabuur walxaha qarxo lagu soo xiray oo gudaha u galay xerada magaalada Gao, xilli ay boqolaal ciidanka ka tirsan ay u fadhiyeen kulankooda subaxlahaa ahaa.
Wasiirka arrimaha dibadda Mali, Abdoulaye Diop ayaa weerarkaaasi ku tilmaamay danbi fulaynimo iyo waxshinimo ah. Wuxuu sheegay in Mali ay sadex maalmood u baroordiiqi doonto askarti ku dhimatay weerarka, isaga oo wacad ku maray in lasoo qaban doono kuwi ka danbeeyey lana ciqaabi doono.
Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in xoogaga xaqjirka ah ay sanadki hore dileen 29 askari oo ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee jooga Mali, walina ay khatar ku yihiin waqooyiga iyo bartamaha dalka Mali.
Wakaalado