Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Qarxiyeyaashii geystay Xasuuqii Suuqa Beerta oo xukunno culys lagu riday [Go’aanka Maxkamadda]

    Qarxiyeyaashii geystay Xasuuqii Suuqa Beerta oo xukunno culys lagu riday [Go’aanka Maxkamadda]

    March 13, 2017Updated:March 13, 20174 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xukun kama dambeys ayey Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ka gaartay eedeysanayaashii loo heystay weerarkii dadka badani ay ku dhinteen ee ka dhacay suuqa beerta ee degmada Waabar ee gobalka Banaadir sida uu saakay ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute:-

    (Taariikhdu ahayd 12/03/2017 Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida waxay marki labaad u fariisatay dacwad I Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaasha kala ah :-

    1- C/qaadir Cabdi Xasan 40 jir ah ina Xaliimo Cali Yarow ku dhashay Sh. Hoose

    2- Max’ed C/llaahi Nageeye 60 jir ah ina Xaliimo Nuur ku dhashay Xaradheere.

    3- C/naasir Cumar Xasan 23 jir ah ina Safiyo C/llaahi Nageeye ku dhashay Galgaduud.

    4- Max’ed Jaylaani Cilmi 33 jir ah ina Kutubey Abiikar Cabdi ku dhashay Xamar .

    5- Xasan Max’ed Dhaayow 55 jir ah ina Xaliimo Cali Shuceyb ku dhashay Sh. Hoose

    6- C/llaahi Xirsi Salaad 22 jir ah ina Xaliimo Cabdulle ku dhashay Galgaduud.

    7- Aadan Max’ed Jaamac 19 jir ah ina Bilan Max’ud ku dhashay Xamar , kuwaas oo xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo Xasuuq dad shacab ah dambiyadaas oo ku kala Xusan Aayada 178aad Suuratul Baqara iyo Aayadaha 33aad 45aad Suuratul Maa’ida iyo Qod.1, 64, XCCQS oo lala Aqriyo Qod. 221, 222, 434 XCS kadib markii ay mid noqdeen Ururka Al-shabaab , islamarkaana ay ka qayb qaateen falal lid ku ah Qaranka Soomaaliyeed, iyagoo ka mid ahaa dadkii abaabulay, diyaariyay, fulliyay Qaraxii ka dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi Tr.26/11/2016, halkaas ay ku nafwaayeen 30qof oo ah ganacsatadii suuqa 43 kalane ku dhaawacmeen.

    DOOD DHEER KADIB. MAXKAMADDU:

    Markay Dhagaysatay: – Maxkamadda Qiraalka Eedaysane C/qaadir Cabdi Xasan, oo uu ka horcadeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida horteeda in uu damacsanaa in uu isku qarxiyo suuqa beerta, markii ay qabteen ciidanka amnigane uu gaarigii uu waday ku qarxay suuqa beerta degmada waabari goobtaasna ay ku geeriyoodeen dad u badan ganacsatadii suuqa.

    Markay Aragtay: – Maxkamadda Qiraalka Eedaysane C/naasir Cumar Xasan , oo uu ka hor bixiyay garsoorka Ciidamada Qalabka sida hortiisa in gaariga caasiga ah ee qarxay uu garaashka ugu keenay eedaysane Maxamad Claahi Nageeye mudo labo maalin ahna uu yaaalay gudaha garaashka kadibna uu ku wareejiyay labo nin oo uu usoo diray eedaysane maxamad c/laahi nageeye.

    Markay Dhagaysatay:- markhaatiyaasha la horkeenay maxkamaddda mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamada ka hor cadeeyeen in eedaysane C/qaadir Cabdi Xasan oo wada gaari caasi ah ay ka shakiyeen kana dejiyeen gaariga inti ay su,aalaha waydiiyeena uu qarxay gaarigii uu waday eedaysanaha , goobtaasna ay ku dhinteen dad shacab ah oo u badan ganacsatadii ka agdhawayd qaraxa, kadibna uu eedaysane C/qaadir Cabdi Xasan usheegay in uu doonayay in uu asaga is qarxiyo, sidaasna ay ku qabteen asagoo geeyay garaashkii uu kala soo baxay gaariga qaraxay halkaasna laga soo xiray C/naasir cumar xasan, maxamad c/laahi nageeye iyo dhamaan shaqaalihii garaashka.

    Markay Aragtay:- Dembi muujinta ah 1- dukumiintiyo ay ka mid yihiin- cadaymihii laga qoray eedaysanayaasha, iyo liiska ganacsatadii ku geeriyootay suuqa beerta oo tiradoodu dhantahay 30 qof oo dhimasha ah iyo 43 dhaawac ah. 2- Teleefanada ay ku wada xariirayeen eedaysanyaasha 1,2,3.

    Markay Dhagaysatay:- Doodii Qareenada oo ahayd in eedaysane C/qaadir Cabdi Xasan loo naxariisto loona eego sifaalaha dembiga fududeeya 6 eedaysane oo kalane xuriyadooda loo celiyo.

    Sidaas Darteed Maxkamadda waxaa u Caddaaty in:-

    1- Dambiile C/qaadir Cabdi Xasan uu yahay dambiile galay dembiga lagu soo oogay waxayna ku xukuntay Dil Toogasho oo ah qisaasta ganacsatadii ku geeriyootay suuqa beerta degmada waaberi 26-11-2016.

    2- Maxamad Cabdulaahi Nageeye iyo Cabdi Naasir Cumar Xasan waxay maxkamaddu ku xukuntay min 15(shan iyo toban) sano oo xabsi ciidan ah.

    Sidoo kale waxay maxkamadda amraysaa in xabsiga laga siidaayo :-

    1) Maxamed Jaylaani Cilmi

    2) Xasan Maxamed Dhaayow

    3) C/laahi Xirsi Salaad

    4) Aadan Maxamed Jaamac , hadii aan loo haysan dambi kale.

    Cidii aan ku qanacsanayn xukunka maxkamada waxaa u furan rafcaan.)

    http://goobjooge.com/dawao-sawirro-ninkii-miidaamiyaha-ahaa-ee-qarxiyay-suuqa-beerta-kooxdii-la-soo-maleegtay/

    Wadani.com

    Maxkamadda Ciidamada Qarax Suuqa Beerta Xukun toogasho
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal Wasaare Kheyre oo balanqaad u sameeyay Saxafiyiinta Muqdish [Sawirro]
    Next Article DEGDEG: Qarax weyn oo gilgilay magaalada Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo