Qasaare culus ayaa ka dhashay dagaal xoog leh oo ciidamada dowladda iyo Alshabaab gelinkii danbe ee shalay ku dhex maray duleedka degaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud.
Dagaalka oo ay qaadeen Alshabaab, ahaana rogaal celin ayaa la sheegay inay afar jiho uga yimaadeen ciidamadii dowladda iyo maleeshiyada degaanka ee halkaasi ku sugnaa, iyadoo uu goobta ka dhacay mid ka mida dagaaladii ugu cuslaa ee dhowaanahan.
Mas’iuuliyiinta dowladda ee degaankaasi oo u ku sugnaa meel u dhow goobta dagaalka ayaa sheegay in Alsahbaab ay qasaaro lixaad leh kala kulmeen weerarka, isla markaana waxay qireen in dhinacooda ay askar uga dhinteen.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Alcadaalla oo degaanka ku sugan ayaa sheegay in Alshabaab ay Afar weerar ku soo qaadeen si ay uga soo kabtaan jabkii kasoo gaaray hawlgalkii Gobalka Galguduud, balse ay kala noqdeen dhimasho ka badan 30 iyo dhaawac ka badan 55 maleeshiyaadkooda ka tirsan.
“Waxaan ilaaheey uwaydiinayaa in uu Shahaadadooda u aqbalo Shuhadada dhankeenna ah dhaawacana inoo bogsiiyo. Waxaan markale ammaan aad uwayn ujeedinayaa Mujaahidiinta huwanta ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha Deegaanka. Waxeey si buuxda gacanta ugu hayaan dhamaan dhulkii laga xoreeyay khawaarijta waxeeyna udiyaarsanyihiin waajib gudashada xigta Insha allaah” ayuu yiri Wasiir Al-cadaalla oo aan sheegin tirada askarta dhinacooda ka dhintay ama ka dhaawacantay.
Dhinaca kale Afhayeenka Howlgallada Alshabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa warbaahinta Alshabaab u sheegay in dagaalkiika dhacay duleedka Cadakibir uu ahaa dagaal faraha looga gubtay oo ciidamada dowladda iyo kuwa maleeshiyada looga dilay 50 askari, lagana gubay Gaadiid.
Alshabaab ayaa wajaheysa olilihii dagaal ee ugu weynaa muddo sanado ah, iyadoo ay dagaaladu ka socdaan degaano ka tirsan Gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Bay.
