4 qof ayaa ku dhintay , 9 kalena waa ku dhaawacmeen qarax baabuur oo ka dhacay meel u dhow maqaayad ku taalla magaalada Muqdisho.
Sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari yar oo walxaha qarxa laga buuxiyey kadibna looga tagay meel ku dhow maqaayadda Bule Sky ee u dhow Taallada Xaawo Taako, iyadoo ninkii gaarigaasi waday uu goobta isaga baxsaday intii aanu qarxin. Kooxda eAl-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadad qaraxa.
Maqaayadda uu qaraxa ka dhacay ayaa ku taalla meel amniga laga maamulo oo u dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan inta u dhaxeysa Xaawo Taako iyo Tiyaatarka Qaranka.
Dhowr baabuur iyo dhismooyin ka ag dhowaa goobta qaraxa, ayaa iyagana burburay. Qaraxa ayaa yimid toddobaad un kadib markii qarax ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho iyo weerar xigay ay ku dhinteen in ka badan 30 qof, ayada oo ku dhowaad 140 kale ay ku dhaawacmeen.



