Ciidamada AMISOM ayaa galabta lagu qaaday weerar is miidaamin ah degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose oo dhowaan weerarka culus uu ka dhacay, waxaana qaraxan oo loo adeegsaday Gaari nooca NAOH ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu qarxiyay Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM Duleedka Janaale.
Qaraxa ayaa la sheegay inay ku dhinteen laba ruux oo la socday Gaari xamuul ah nooca 110 oo siday Moos halkaasina qaraxu ku qabsaday, lama oga qasaaraha soo gaaray ciidamadii AMISOM oo iyaguna halkaas marayay.
Alshabaab ayaa sii xoojisay weerarka tooska ah iyo kuwa is miidaaminta ee ay ku qaadeyso ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolka Sh/hoose oo baneeyay degaano ay hore ugu sugnaayeen.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]