Koo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday Guriga Guddoomiyihii hore ee Canshuuraha Beriga Ibraahim Maxamed Shige, iyadoo rasaas culus la isweydaarsaday Afar Irdoodka magaalada Boosaaso.
Ciidamada Puntland ayaa la sheegay inay iska difaaceen weerarkaasi. Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay Magaalada Boosaaso, iyagoo sheegtay inay ku dileen askar ka tirsan Ciidamada Puntland.
Askari ka tirsan ciidamada Puntland ayaa lagu dilay weerarkaasi sida ay baahisay VOA-da, waxaana dhaawac kasoo gaaray labo ruux oo midkood yahay qof shacab ah.
Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo dagaallo xoog leh dhex marayaan labada dhinac degaanada xeebaha Mudug iyo Nugaal.
Wadani.com