Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Qiimeyn lagu sameeyay Hoggaanka 2-dii sano ee Madaxweyne Farmaajo [Maxaa la gudboon inta u harsan?]

    Qiimeyn lagu sameeyay Hoggaanka 2-dii sano ee Madaxweyne Farmaajo [Maxaa la gudboon inta u harsan?]

    March 21, 2019Updated:March 22, 20193 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Mac-hadka Heritage ayaa warbixin daraasad ah kasoo saaray hoggaanka Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo labadii sano ee talada uu hayey, waxayna si weyn uga deyriyeen arrimaha amniga iyo siyaasada iyagoo tallooyin u soo jeediyey inta xukunkiisa ka harsan. Warbixinta waxay ku bilaabaneysaa sida hoos ku qoran;

    Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay, 8-dii Febraayo 2017-ka, isaga oo ballan-qaaday in uu horseedayo is-baddel weyn, sugayo amniga, xasilinayo siyaasadda, kobcinayo dhaqaalaha, la dagaalamayo musuq-maasuqa, uuna la imaanayo siyaasad arrimo dibadeed oo sarraysa.

    Laba sano kaddib, haddii la qiimeeyo waxqabadka Madaxweynaha, waxaa soo baxaya, in qorsha-yaashiisii qaar, ay u suurto galeen, kuwo kale oo badan – oo uu ballan qaaday xilligii doorashada iyo Shirkii London-na – aanay waxba ka hirgelin. Dhanka guulaha, Xukuumadda Farmaajo iyo Khayre (XFK) waxay guulo wax ku ool ah ka gaareen dadaalada in Soomaaliya deynta laga cafiyo, waxay xawaare geliyeen wada xaajoodka hay’adaha maaliyadda adduunka (sida Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF), waxay kordhiyeen dekhliga dowladda, waxay ku guuleysteen kasbashada kalsoonida shacabka, waxayna ku mintideen wada shaqaynta hay’adda fulinta (Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad), sidaas oo ay tahayse, ma hirgelin in badan oo ahaa ballan-qaadyadii Madaxweynuhu doorashada ku galay.

    Waxaa isa soo tari waayey, ballan-qaadkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa, in xukuumaddiisu ay Al Shabaab uga adkaanayso laba sano. Taa iska daaye, waxuu ku guuldaraystay in uu hirgeliyo ballan-qaadkiisii ahaa, in uu furayo jidadka Muqdisho, oo in badani ay si joogto ah, u xiran yihiin, kuwa kalena ay xirnaantoodu, soo noq-noqoto. Dhanka siyaasadda arrimaha gudaha, labadii sano ee la soo dhaafay, waxaa hareeyey, jaah-wareer iyo is-qab-qabsi, dhowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ah.

    Si awood sheegasho ah, shaqo ka eryiddii uu Madaxweynuhu ku sameeyey, guddoomiyayaashii baaarlamaanka iyo kii maxkamadda sare, waxay noqotay, talaabo ka yaabisay xitaa taageerayaasha madaxweynaha. Waxaan iyana suurto gelin, in go’aan siyaasadeed, oo loo dhan yahay, laga gaaro, qodobadaa dastuurka ee aan weli laga heshiin, kuwaas oo ahmiyad gaarka ah u leh, hirgelidda doorashada 2020.

    Sidoo kale, waxaan heshiis buuxa oo la isku raacsan yahay aan laga gaarin, hannaanka doorasho oo Soomaaliya qaadanayso 2020-ka, taas oo fogeyneysa suurtagal-nimada doorsho qof iyo cod ah, oo dhacda 2020-ka. Waxaa iyana aan suurto gelin, in la adkeeyo, dhidibadana loo aaso, hannaanka fadaraaleynta, iyaga oo maamul-goboleedyadu, aanay kana sii xoogaysan, kana sii maamul-wanaagsanaan, siday ahaayeen laba sano ka hor. Waxaa isaguna istaagey, wadahadaladii Somaliland, weliba, kala shakiga iyo kala aamin-baxa labada dhinac, hadda sida uu u xun yahay abid ma noqon.

    Xagga siyaasadda arrimaha dibadda, waa daciif ama waa xumaaday xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dowladiha iyo hay’adiha ay sanadahaan danbe sida aadka ah ugu tiirsanayd sida: Qaramada Midoobey, inta badan dalalka reer Yurub, Turkiga, Uganda iyo Sacuudiga iyo Imaaraadka oo Khaliij ahaan, ah, kuwa xiriirka ganacsi oo ugu baahsan, ay Soomaaliya la leedahay iyo Jabuuti oo ah waddan walaal ah dhow ah. Saaxiibada dhow ee Soomaaliya, waxaa noqdeen dalal faraha hal gacan lagu tirin karo.

    Dhanka musuq-maasuqa, aad ayaa loo hadal hayaa la dagaalankiisa, waxaana jira, daah-furnaan muuqata oo ku aaddan dekhliga ay dowladda soo uruursato iyo bixinta kharashyada. Dhanka kale, dhaqaalaha xukuumadda Qatar ka soo gala dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo sida ay u isticmaasho waxay noqotay arrin aan wax badan laga ogeyn, aadse loo hadal hayo.

    Si kastaba ha noqotee, waxaa shaki badan ku jiraa in uu yaraaday ku takri falka xoolaha ummadda. Waxaaba la oran karaa, guud ahaan Soomaaliya, musuq-maasuqu ma xakamaysna, ee waa xarga-goostay, laaluushkuna wuxuu noqday furaha lagu kasbado xildhibaanada, doorashadana loo maro.

    WARBIXINTA OO DHAN HALKAN KA AKHRISO

    Farmaajo Hogaanka Farmaajo Machadka Heritage Madaxweyne Farmaajo Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWaqtiga uu furmayo kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Somaliya oo la shaaciyey
    Next Article Golaha Wasiirada Somalia oo Safiir u magacaabay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo