Qaramada Midoobay ayaa hambalyo u dirtay mid ka mida xildhibaanadii Aqalka Sare ee maanta lagu doortay magaalada Cadaado.
Wakiilka Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa u hambalyeeyay haweeneyda kaliya ee ilaa hadda loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Samsam Daahir Maxamuud, wuxuuna bartiisa twiter-ka soo dhigay sawirka haweeneydan isagoo adeegsaday ereyga Afsoomaaliga ah ee ‘HAMBALYO”.
https://twitter.com/SRSGKeating/status/787333998150234113
Wakiilada Beesha Caalamka iyo gaar ahaan Qaramada Midoobay ayaa olole ugu jiray in la xaqiijiyo qoondada haweenka oo dadaal abdan ay ku bixiyeen, waxaana arrintan ay caddeyn u tahay sida arrimaha haweenka ugu weyn yihiin.
Ma jirin xildhibaan kale oo uu hambalyo u diray Keating, waxaane la filayaa inay ciriiri gasho xubno kale oo Aqalka ay ka soo baxa dhinaca Galmidug.
Wadani.com