Qaramada Midoobey ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Daacishta ka jira waqooyiga Soomaaliya ay ku bilowdeen tobaneeyo hadana ay ka badan yihiin 200, warbixintan waxaa ay soo baxday maalmo kadib markii halkaasi ay duqeeyeen ciidamada Mareykanka.
Daacish sababta ay ugu soo badanayaan gudaha Soomaaliya waxaa lagu sheegay kadib markii looga adkaaday dagaalkii ka socday Ciraaq iyo Suuriya.
“Daacishta uu hoggaamiye Sheikh Cabdulqader Muumin, waxaa lagu qiyaasay 2016kii tobaneeyo laakin waxaa ay ka badan yihiin 200 oo dagaal-yahan” sidaasi waxaa tiri koox khubaro ah oo Q/Midoobay ka tirsan.
Weerarkii Jimcihii waxaa ka badbaaday Sheekh C/qaadir Muumin, waxaana la sheegay in dagaalyahanna Daacish ee ku sugan Puntland ay ku jiraan kuwoo u dhashay dalka Suudaan iyo carab kale.
Kooxda Daacishta Soomaaliya waxaa ay lacag ka helaan oo ay ku xiran yihiin Islaamiyiinta ku sugan Ciraaq iyo Suuriya, lamana oga sida ay u saameyn-doonto jabka kooxdaasi loogu geystay Ciraaq iyo Suuriya.