Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuled oo dhowaanahan ku suganaa Magaalada Muqdisho ayaa maanta la kulmay Wakiilka Q/Midoobay u qaabilsan SoomaaliyaNicholas Kay, waxaana la sheegay in wadahadalkoodu ku saabsanaa sidii Q/Midoobay maamulka cusub ee Galmuduga uga taageeri lahayd dhinacyada kala duwan ee maamulka iyo horumarinta.
Nicholad Kay ayaa la sheegay inuu maamulka Galmudug u balan qaaday inay ka caawin doonaan dhinacyada hormarinta iyo dib u dhiska hay’adaha dowladeed, isla markaana ay gacan ka siin doonaan arrimaha bulshada iyadoo Q/Midoobay mashaariic ka fulin doonto degaanadaasi.
C/kariin Guuleed ayaa Muqdisho u joogay la kulanka Hay’ado kala duwan oo arrimaha maamulkiisa uu kala hadlayay iyadoo uu ka baaqday socdaal la filayay inuu dib ugu laabto magaalada Cadaado.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]