Shir madaxeedka Midowga Afrika ee Berri ka furmaya magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya ayaa ajandeyaasha looga hadlayo waxaa ka mida qodob muhiim u ah Soomaaliya.
Shirkan oo ah kii 32-aad ee madaxda Afrika ayaa looga hadlayaa arrimaha Barackayaasha iyo Qaxootiga, waxaana ka qeyb galaya 25 hogaamiyeyaal afrikaan ah oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Guddi gaara oo Midowga Afrika u saaray arrimaha Soomaaliya ayaa shir gaara maanta la yeeshay dalalka deeqda bixiya, iyagoo kala hadlay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay, waxaana shirka ka qeyb galay wasiirka maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad.
Midowga Afrika ayaa qeyb ka ah dadaalka loogu jiro in Soomaaliya laga cafiyo deyn gaareysa in ka badan 5 Bilyan oo Doolar, taasoo caqabad ku ah deymo cusub iyo horumarin ah ee dalka lagu sameyn lahaa.


