Shir heer sare ahlooga hadlay xaalada Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada New York ee xarunta Q/Midoobay, iyadoo diirada lagu saaray qorshayaasha dhow iyo marxalada kala guurka ee sanadka 2016. Waxaa shir wada guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon, waxaana madaxda ka qeyb gashay ka mid ahaa Guddoomiyaha Midowga Afrika, Xoghayaha Jaamacadda Carabta iyo Guddoomiyaha Ururka Iskaashiga Islaamka.
Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay madax dalalka ay ka mid yihin: Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron, Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Ahmed Davogtulo, wasiirka arrimaha dibadda Masar, madaxweynaha Kenya, ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo madax kale.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhinacyada siyaasada, amniga, isagoo soo hadal qaaday dhismaha Maamulada federaalka. Wuxuu soo dhoweeyay horumarka la gaaray oo kala ah:
Guddiga doorashooyinka madaxa banaan
Madashii wadatashiga aheyd ee lagu dhisay magaalada Muqdisho 19-kii bishan iyo
Wuxuuna soo jeediyay in sanadka 2016 ay filayaan in doorasho dhacdo iyo inaysan jiri doonin waqti kordhin.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay labadii sano ee la soo dhaafay horumar ballaaran ayuu dalku sameeyay dhinaca nabadgelyada, iyadoo ilaa 80 % Soomaaliya laga xurreeay ururka Al Shabaab. Madaxweynaha ayaa ka hadlay baahida loo qabo in la dhiso Ciidamo Soomaaliyeed oo la wareegay xilka ammaanka Soomaaliya.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]