Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Qodobbadii hor tebinta lahaa ee uu ka gaabiyey Madaxweyne Xasan Sheekh (Akhriso)

    Qodobbadii hor tebinta lahaa ee uu ka gaabiyey Madaxweyne Xasan Sheekh (Akhriso)

    August 27, 2022Updated:August 29, 20223 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha mar kale xilka loo doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo xileedkiisa labaad waxaa u dhammaaday 100 maalmood oo uu Villa Soomaaliya ka arriminayey.

    Waxaa xusid mudan inuu Xasan Sheekh ka gaabiyey qodobbo muhiim ah oo ay ahayd in mudnaanta la siiyo, taasoo keenay in shacabka dareemi waayeen isbedel dhinaca amniga ah, isla markaana soo baxaan fashil la bilowday xukuumadda cusub.

    Waxaan halkan kusoo ururinay arrimihii hor tebinta lahaa ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka gaabiyey iyo sida looga gudbi karo:

    1- Xaaladda Amniga: Marka laga rebo Hay’adda NISA, ma jiro wax isbedel ah oo lagu sameeyay taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida iyo maamulka Gobolka Banaadir, arrintan oo noqotay dalabka shacabka qaarkood.

    Dib u habeynta hoggaanada ciidamada, isku xirka iyo howlgelin keeni karta in Alshabaab la wajaho waa arrinta ugu mudan ee Madaxweyne Xasan Sheekh looga fadhiyo xilligan oo astaan u noqon doonta waxqabadka dowladda uu hoggaamiyo.

    2- Arrimaha Gudaha: Waxaa hoos u dhacay xiriirka maamul Goboleeyada iyo dowladda Xasan Sheekh. Taageeryaasha Odayga waxay bilaabeen olole ka dhan ah madaxweynaha K/Galbeed oo lagu riixayo inuu mucaarad noqdo. Puntland oo arrimo ka dhashay doorashadii uga fogaatay Madaxweyne Xasan Sheekh waxay noqotay in mar kale la raadiyo. Axmed Madoobe oo muddo kororsi sameystay, waxaa Xasan Sheekh laga sugayaa inuu wajaho, iyadoo dadka qaarkii ay la tahay inuu hormariyo ‘Soomaali heshiis ah’ inta aan la gaarin inay ‘Dunida hesiis la noqoto’.

    Kalsooni iyo wada-shaqeyn dhex marta dowladda Federaalka waa furaha Soomaali heshiis ah oo lagu gaari karo horumar laga gaaro Amniga, dhammeystirka Dastuurka iyo Wadajir loo wajaho Alshabaab.

    3- Awood Qebsi kooxeysan: Wuxuu Xasan Sheekh ololihii doorashada ku ballanqaaday inuu wato Tareen dadka dhan wada qaada oo aysan jirin xanta suuqa loo mariyey ee ahayd in ‘Gaarigiisu buuxo’ oo macnaheedu yahay in siyaasiyiinta xisbigiisa kaliya uu xukunka ku koobi doono marka uu Madaxweyne noqdo.

    Marka la eego sida lagu magacaabay xilalka Golaha Wasiirada, Madaxtooyada iyo Agaasimaha NISA, waxay caddeyn u tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kaliya xilalka muhiimka ah u magacaabayo xubno ka mida xisbigiisa ama uu kalsooni gaara ku qabo.

    Arrintani inkastoo ay dhinac ka fiican tahay, haddana dhinac kale waxay keentay in maamulka dalka ay isku koobto koox yar oo xisbi ah. Waxay kaloo sabab u tahay inay waqti dheer qaadato magacaabidda mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda. Tusaale ahaaan waxaa saddex bilood kadib xilalka sii taliyeyaal iyo madax sare oo og inay xilka laga qaadi doono, waxqabadkooduna liito.

    FILASHADA SHACABKA: Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa saaran waajib aan ka culus madaxdii ka horeysay ee uu ka midka ahaa khibradda uu leeyahay darteed, mana heli doono cudurdaar haddii uu hoggaankiisa oo mar kale Madaxtooyada Soomaaliya yimid ku fashilmo rajadii lagu doortay ee looga fadhiyay.

    GOOBJOOGE.NET

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXogta wadahadallo adag oo Garowe uga socda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siciid Deni
    Next Article Dagaalkii Itoobiya oo sii xoogeystay iyo Jabhadda Tigray oo qabsatay Magaalo cusub

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo