Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay bannaanbax rabshado watay oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.
Bannaanbaxa ayaa ahaa mid looga horjeedo shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee la wareegtay maamulka dekadda Boosaaso, taasoo kordhisay kharashkii laga qaadi jiray Doonyaha iyo maraakiibta, waxaana ka dhashay inay xiranto shaqadii Dekadda Muddo isbuuc ah.
Dadweyne careysan oo ka bannaanbaxaya arrintan ayay isku dhaceen ciidamada oo rasaas huwiyay dadkaasi, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in qof lagu dilay iyadoo dhowr qofna lagu dhaawacay.
Waxaa xiran isu socodkii magaalada iyadoo ay jirto xiisad ka taagan magaalada, waxaana ciidamada lagu eedeeyay inay rasaas ku fureen dadweyne bannaanbaxaya.