Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Lacagtii shalay Booliska Soomaaliya shaaciyen in lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Lacagtan oo ka timid dalka Kenya ayaa la sheegay inay leedahay Haweeney ganacsato ah oo fadhigeedu yahay dalka Kenya, laguna magacaabo Saabiriin C/qaadir Isaaq, waxaana baaritaanka Booliska Garoonka Adaen Cadde lagu ogaaday inay lacagtaasi ahayd mid ganacsi.
Haweeneydan oo soo gaartay Muqdisho, markii ay u yeereen Booliska ayaa waxlaga wedyiinayaa lacagta iyo qaabka ay dalka kusoo gelisay, iyadoo cadadkeeda lagu sheegay ku dhowaad Milyan Doollar,
Madaxda Dwladda xilligoodu dhammaaday iyo taageerayaashooda ayaa lacagtan u adeegsaday arrimo siyaasadeed oo ay ka muuqatay inay uga faa’iideystaan olole siyaasadeed oo ka dhan ah mucaaradka.
