Iyadoo ay caawa ku dhawaaqeen maamulka Puntland in qofkii ugu horeeyay ee degaanadooda laga helay Cudurka Coronavirus ayaa waxaa si geesinimo leh isu shaaciyey qofkaasi oo ah nin 33 sano jir ah.
Heykal Daahir Cumar aya sheegay in laga helay cudurka Covid-19, isla markaana ay xaaladiisu wanaagsan tahay, wuxuua n farriin uu soo dhigay Facebook ku yiri: “Waa la i baaray, waxaana la iga helay Covid-19, xaaladeydu waa aad bay u wanaagsan tahay”.
Ninkan ayaa ka mid ahaa laba qof oo baaritaan loogu qaaday dalka Kenya, kaaso muddo qaatay, waxaan natijadii noqotay in ninkan laga helo.
Dadweyne fara badan iyo mas’uuliyiin ayaa si weyn ugu duceeyay Heykal, kuna amaanay sida geesinimada leh ee uu isu muujiyey.