Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»QOLKA 78 EE LAGU XASUUQAY SAAXIIBADAY!! [W/Q: Ridwaan X. Cweli]

    QOLKA 78 EE LAGU XASUUQAY SAAXIIBADAY!! [W/Q: Ridwaan X. Cweli]

    June 4, 2016Updated:June 4, 20163 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    QOLKA 78 EE LAGU XASUUQAY SAAXIIBADAY!!
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dilalka joogtada ah ee ka dhacaya Soomaaliya waxaa ay xanuun badan ku reebaan qof kasta oo leh damiiq-danqasho, sababtuna waxaa weeye in dilalka noocan oo kale ah ay yihiin wax ka baxsan dhaqan Islaam iyo mid bani’aadanimo intaba.

    Dilkii xasuuqa ahaa ee loo gaystay xildhibaan Guure iyo Xildhibaan Cabdulaahi Jaamac ayaan wali la murugoonayaa.

    Waxaa intaas oo dhan kasii darin in kuwa gaysanaya dilalka ay yihiin Soomaali sheeganaya in ay haystaan diinta Islaamka, Maxaase ka liita in uu ku dilo qof kula dhashay oo Soomaali kula ah.

    Dil kasta oo dhaca sida weerarkii Hotel Ambassador waxaa uu saamayn kala duwan ku yeeshaa hooyo, caruur, ehel iyo saixiibo, waxaana suuragal ah in qoysas badan ay nolshoodu hoos u dhacdo isla markaana ay horseedo cuduro ka dhalan kara dhacdooyinka foosha xun ee sida joogtada ah aan ula noolnahay.

    Qof kasta oo anigu aan kamid ahay oo Soomaali ah waxaa uu ku noolyahay calool-xumo joogta ah, waxaana soo maray sheekooyin xanuun badan laakiin ma’ahan micneheedu in aan ka niyad-jabno sidii dib loogu soo celin lahaa sharaftii dalkeena , loona joojin lahaa gumaadka aan isku hayno.

    Waxaan usoo joogay weeraro badan iyo dilal ka dhacay meel aan iga fogayn oo Alle uu iga badbaadiyay, waxaana ku waayay dad Asxaab ahaa, kuwo Qaraabo ahaa iyo Mas’uuliyiin aan siyaabo kala duwan ula shaqeeyay intii u dhaxaysay 2013 ilaa 2015-kii.

    Aniga iyo in badan oo ay kamid ahaayeen mudanayaashii la dilay ujeedka aan Soomaaliya u tagnay ma ahayn in uu qof Soomaali ah nagu dilo ama qof Soomaaliyeed oo la dilayo aan goobjoog ka ahaano, waxaase ay ahayd in aan dhismaha dalkaasi wax ka gaysano oo jiilasha mustaqbalka iyo caruurteenaba ay helaan nolol.

    xildhibaanoladilay
    Xildhibaanadii ku geeriyooday weerarkii ka dhacay hoteelka Ambassador

    Allaha u naxariistee dilkii loo gaystay Xildhibaan Maxamuud Guure iyo Xildhibaan Cabdulaahi Jaamac oo ahaa labo aqoonyahan oo aan saaxiib ku ahayn London iyo Muqdisho waa mid si gaar ah ii taabanaysa, lana mid ah dilal sidan oo kale loogu gaystay haldoorka Soomaaliyeed ee wax usoo bartay dalkooda hooyo.

    In badan oo kamid ah dadka xaqdaradda lagu dilay waxaa ay nolol ku haysteen dalal kale, waxaana ay Soomaaliya u tageen in ay dalkaasi ka samatabixiyaan burburkii dilooday.

    Labada xildhibaan ee dhiigooda sida xaq-daradda ah loo daadiyay waxaan wada daganayn Hotel-ka la weeraray ee Ambassador Hotel muddo ka badan 3 sano. Marxuum Cabdulaahi Jaamac iyo Marxuum Guure waxaa ay kamid ahaayeen saaxiibadii aan kulahaa Muqdisho iyo London oo wax badan aan ka bartay.

    Markii aan dib u wacay shaqaalaha hoteelka waxaa la ii sheegay labada xildhibaan iyo dhowr qof oo kale oo ay ku jiraan mas’uuliyiin iyo shaqaalaha hotelka ay weerarkii ku dhinteen.

    Waxaa kaloo la ii sheegay in labada marxuum ee nolosha ku saaxiibay ee kala ah Guure iyo Cabdulaahi Jaamac lagu jabiyay qolkii aan hoteelka ka daganaa sanadaha badan isla markaana lagu dilay gudaha qolka.

    Qolkaasi oo lambarkiisu ahaa 78 waxaa u soo guuray Marxuum Cabdulaahi Jaamac markii aan kasoo tagay Muqdisho bishii June ee sanadkii hore. Xildhibaan Guure waxaa uu daganaa qolka kasoo horjeeda Marxuum Cabdulaahi Kabaweyne.

    Inkastoo waqtigoodu ku ekaa intaasi ayaa hadana run ahaantii aan ka seexan waayay in labadaasi marxuum ee saaxiibada ahaa si arxan darro ah loo dilay iyagoo waliba ahaa wadaniyiin u tagay Somalia sidii dib loogu soo celin lahaa karaamadii umadda Soomaaliyeed.

    Allaha u naxariisto xildhibaanadaas iyo dhammaan dadka soomaaliyeed ee dhiigoodi sida maalaayacniga ah loo qubay.


    Ridwaan Haji Abdiwali
    [email protected]

    Hotel Ambassador Xildhibaan Guure Xildhibaan kabaweyne
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleLA YAABKA DUNIDA: Telefoonka iPhone oo geeri ka badbaadiyay askari Turki ah [SAWIRRO]
    Next Article DAAWO VIDEO: Barnaamij Telefishanka BBC ka diyaariyay geerida xildhibaanada Guure & Kabaweyne

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo