Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan xildhibaannada labada Aqal ee dooran ayaa kusii jeeda magaalada Baydhaba.
Wafdiga Qoorqoor waxaa ka mida xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow, xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaan C/llaahi Sanbaloolshe iyo qaar kale, waxaana safarkooda magaalada Baydhaba uu la xiriiraa xal u helidda khilaafka ka taagan xildhibaannada K/Galbeed ee diidan inay Shahaado qaataan.
Qorshaha Qoorqoor iyo xubnhaa la socda ku tegayaan magaalada Baydhaba ayaa yimid, kadib khudbad uu Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen ka jeediyey shalay magaalada Baydhaba, isagoo weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul wasaare Maxamed Xusee Rooble iyo beesha uu kasoo jeedo.
