Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa iska difaacay eedeyn uga timid Musharixiinta Madaxweynaha, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo madaxweynaha Jubbaland oo sheegay inuu ka been sheegay waanwaan uu ka dhex waday Madaxda Dowladda Federaalka.
Wuxuu ku dooday inay jireen mas’uuliyiin ay ahayd inuu kula laabto jawaabta, lana wadaagay, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in madax uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ay isaga eedeeyaan.
Wuxuu kaloo meesha ka saaray in lagu dhawaaqay qabashada Doorasho ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland. “Marna ma maqlin meel lagu sheegay doorasho aan laga qeybgaleynin doorashada waa lagu heshiiyay in laga wada qeygalo ayaa sax ah, haddii ay jirto tabashooyin ku saabsan maamulka doorashada waa in la xalliyo markaa doorasho Puntland iyo Jubaland ka hareen meel lagu yiri ma jirto ama Doorasho ay ka maqan yihiin sababna ma jirto maxaa yeelay mar walba waxaa laga hadlayay tabashooyinkii jiray in la xalliyo doorashadana ay waajib tahay” ayuu yiri Axmed Qoorqoor oo u warramay BBC-da.
Madaxweynaha Galmudug oo ka mida madaxda Maamul Goboleedyada ee taageersan dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhex jira xaalad adag oo ka dhalatay inuu galay dhexdhexaadin uu dhina u janjeero oo markii labaad uu ku fashilmay.
