Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa difaacay sida uu u maamulay Doorashadii Aqalka Sare, isagoo sheegay inuu ku socday sidii lagu heshiiyey ee ahayd “Doorasho Dadban”.
Isagoo xalay ka hadlayey munaasabadda xuska sanadguurada 15-aad ee dhismaha Galmudug oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayuu sheegay in wixii dhacay ay ahaayeen Doorasho dadban oo lagu heshiiyey, isagoo dhaliilay dadka wax ka sheegaya Doorashada.
“Dadka qaar oo dhahaya doorashada saas waye. adeer dadka wuxuu galay oo ku heshiiyey Doorasho dadban, marka aan gaarno doorasho qof iyo cod ah Allaha na gaarsiiyo..” ayuu yiri Qooqroor oo sheegay inay ku socoto sidii ay ahayd Doorasho Dadban.
Wuxuu ku eedeeyay dadka qaarkood oo aan kuraas helin inay qeyliyaan, balse markii uu soo baxo qof uu raali ka yahayna uu farxayo, taasina aysan ahayn hoggaan iyo wax wanaagsan.
“Walaal u dulqaado Doorashada lagu heshiiyey.. waxaan leenahay intii soo baxday Senatoorada Aqalka Sare dhammaan hambalyo.. Dadkana waxaan leenahay doorashadaas dadban la la isugu dulqaato..” ayuu yiri Qoorqoor oo iska difaacay qaabka lagu dhaliilay ee uu u maamulay doorashada.
