Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa soo saaray liiska Musharixiinta kurisgii ugu danbeeyayee Aqalka Sare ee Baarlamaanka dowladda Federaalka.
Kursigan oo uu kusoo baxay, kadibna iska casilay xildhibaan Yusuf Geelle Ugaas oo u wareegay Golaha Shacabka ayuu Qoorqoor u xiray Wasiirka Maaliyadda Maamulkiisa Galmudug Farxaan Cali Maxamud.
Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in kursiga ugu danbeeya Aqalka Sare ay ku tartami doonaan Farxaan Cali Maxamuud iyo Naciima Yusuf Maxamed, taasoo ka dhigan in kursigan la siiyey wasiirka Galmudug ee Farxaan Cali Gaban.
