Wararka laga helayo dalka Turkiga ayaa sheegaya in qoraa caan ka ah dalka Sacuudiga lagu afduubtay gudaha Qunsilliyadda Sacuudiga ee magaalada Istabbuul, dalka Turkiga.
Qoraaga oo lagu magacaabo Jamaal Khafashji ayaa la sheegay inuu Duhurnimadii shalay tegay xarunta Qunsiyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul si uu dokumentiyo uga soo qaato, laakiin markii uu galay kadib la waayey akhbaartiisa, isagoo aan ka soo bixin galabnimadii, welina uu maqan yahay.
Sida ay sheegtay haweeney u doonan qoraaga oo lagu magacaabo Khadiija, waxaa loo diiday inay la gasho safaaradda, waxaana ilaa iminka la waayey meel uu jaan iyo cirib dhigay Jamaal Khafashji oo ahaa qoraa caan ah oo muddooyinkii danbe si weyn ugu kacsanaa madaxda boqortooyada Sacuudiga.
Qoraagan ayaa fadhigiisu ahaa dalka UK, wuxuuna qoraallo badan iyo wareysi siiyay warbaahinta caalamiga ah, isagoo si weyn u cambaareyn jiray qaabka Sacuudiga loo maamulo. inkastoo uu hore aad ugu dhowaa qoyska ka taliya Sacuudiga.
Jariirada Washington Post ayaa sheegtay inaysan wax jawaab ah ka helin markii ay xiriir la sameysay Wasaaradaha arrimaha dibadda Turkiga iyo Sacuudiga.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa goor dhoweyd shaacisay war ay ka soo xigatay sarkaal Turki ah oo sheegaya in uu qoraaga Jamaal Khafashji weli ku sugan yahay gudaha Qunsyliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.