Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Qoraal mamnuucaya in laaluush loo adeegsado Doorashada oo laga saxiixayo Musharixiinta (Akhriso)

    Qoraal mamnuucaya in laaluush loo adeegsado Doorashada oo laga saxiixayo Musharixiinta (Akhriso)

    July 22, 2021Updated:July 22, 20212 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddiga Doorashada heer federaal ayaa soo saaray Warqad laga saxiixayo Musharixiinta u taagan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

    Qoraalka ayaa lagu caddeeyay inta lagu guda jiro geedi-socodka doorashada in murashax kasta oo u tartamaya kursiga Baarlamaanka Aqalka Sare ay tahay inuu ilaaliyo, dhowrana dhammaaan heshiisyada, habraacyada, xeerarka iyo shuruucda doorashada 2020/2021, si loo helo jawi fududaynaya in ay u qabsoomaan doorashooyinka 2020/2021 si xor ah oo xalaal ah oo caddaalad ku salaysan.

    Dhammaan murashaxiintu waa inay u hogaansamaan qodobada hoos ku xusan iyagoo adeegsanaya niyad-wanaag.

    1- Waxaan u hogaansamayaa Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan heshiisyada, xeerarka, habraacyada loo dejiyay qabashada geedi-socodka doorashada 2020/2021, waxaana si buuxda ugu hogaansamayaa una fulinayaa dhammaan habraacydaas iyo xeerarkaas.

    2- Waxaan qof kasta ula dhaqmayaa si ixtiraam iyo qadarin ku dheehan tahay oo aan lahayn kala faquuq, anigoon u eegeynin jinsiga, da’da, naafanimada, asalka bulsho ama xaaladda shakhsi.

    3- Waxaan ka fogaanayaa inaan culays saaro xubnaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka ee codeynaya, wakiillada guddiyada doorashada, hawl-wadeenada, murashaxiinta kale, warbaahinta iyo goob-joogayaasha kale.

    4- Waxaan ilaalinayaa xeerarka iyo shuruucda ay soo saaraan hay’adaha hirgelinaya doorshada, oo uu ka mid yahay Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

    5 – Waxaan ka fogaanayaa inaan qayb ka noqdo dhaqan kasta oo keeni kara cabsi-gelin, cadaadis ama musuqmaasuq inta lagu guda jiro geedi-socodka doorasho ee 2020/2021, waxaana gacan ka geysan doonaa sidii looga hortagi lahaa ama loo joojin lahaa dhaqamada noocaas ah.

    6- Waxaan ka fogaanayaa in aan ku lug yeesho laaluush ama iibsasho cod.

    7- Waxaan ixtiraamayaa in dhammaan kormeerayaasha la aqoonsanyahay, warbaahinta/xubnaha saxaafadda iyo weliba wakiilada murashaxiinta ay si xor ah ku gaaraan lana socdaan/kormeeraan geedi- socodka, sida ku cad shuruucda, tilmaamaha iyo habraacyada.

    8- Waxaan ixtiraamayaa qarsoodinimada cod-bixinta iyo dhex-dhexaadnimada hanaanka cod-bixinta iyo cod- tirinta. Waana fahamsanahay in wakiiladayda ay xaq u leeyihiin la socodka nidaamka, si waafaqsan habraacyada doorashada 2020/2021.

    Aqalka sare Doorashada Musharaxa aqalka sare Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAmiirka dalka Qatar oo 100 Milyan oo Dollar ugu deeqay Dadka Yeman ee macaluusha wajahaya
    Next Article “Khaarijinteeda waxaa soo maleegay Fahad Yaasiin iyo.. (Mahad Salaad oo qarxiyey Xog cusub Kiiska Ikraan Tahliil)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo