Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa beeniyay in ciidamo ka tirsan kumaandooska Soomaaliya ay la wareegeen garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.
Sarkaal ka mida kuwa hogaaminaya ciidamada DANAB ee ka degay Gaalkacyo Xasan Abuukar Cali ayaa sheegay inuusan jirin ciidan la wareegay Garoonka Gaalkacyo, balse ciidamadu ay halkaasi u tageen howlgal gaara sida uu yiri.
“Ciidanka Warbaahintu ay sheegeyso ma ahan Ciidan Gobolka u yimid in ay dhibaato ka abuuraan,waxaa ay u yimaadeen Howlgal ka dhan ah Al-shabaab,waxaana ay la kaashan doonaan Ciidamada Galmudug iyo kuwa Puntland Howlgalka”ayuu yiri Sargaalka ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo u warramay mid kamida idaacadaha Muqdisho.
Wadani.com