Baydhabo (Wadani Online) – Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koofur Galbeed.
Socdaalka xubnaha ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka iyo hay’adaha doorashooyinka ay ku dardar-gelinayaan howlaha doorashada dalka, taas oo haatan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ka socoto caasimadda, lagana bilaabi doono maamullada.
Ujeedka socdaalkan ayaa ahaa in si rasmi ah loo bilaabo diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee deegaannada hoos yimaada Koofur Galbeed. Tallaabadan ayuu guddiga sheegay inay muhiim u tahay in dadweynaha ku nool gobolladaas ay helaan fursad ay kaga qeyb qaataan doorashooyinka deegaanka ee la qorsheeyay.
Diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Baydhabo ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo heer qaran ah, kaasoo lagu doonayo in doorashooyin deegaan lagu qabto dhammaan maamul-goboleedyada dalka.
Maamullada Galmudug, Hirshabeelle iyo SSC-Khaatumo ayaa isna lagu wadaa in dhowaan laga bilaabo howsha doorashooyinka qof iyo cod, xilli weli aan laga gaarin heshiis wada-ogol.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa door weyn ka qaadanaya hirgelinta nidaam doorasho oo hufan, iyadoo diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu ay tahay marxalad asaasi ah oo lagu xaqiijinayo matalaad dhab ah oo shacabka Soomaaliyeed ay ku helaan codkooda.
Dhanka kale, isdiiwaan-galinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir ayaa maraysa heer gebogebo ah. Qorshahan oo ah mid ballaaran ayaa la rabaa in si guud looga hirgeliyo dalka..
Waxaa la filayaa in marka la dhammeeyo diiwaan-gelinta gobolka Banaadir, la guda galo wejiga xiga ee doorashooyinka, taas oo ay ka mid noqon doonaan diyaarinta liisaska codbixiyeyaasha iyo qorsheynta maalinta doorashada.